Weligii Golaha Guurtidu soo jeedin gudi doorasho samaysay ma raacin.

Weligii Golaha Guurtidu soo jeedin gudi doorasho samaysay ma raacin. Maantana u malayn maayo inuu raaci doono. Waa se loo joogaa wixii nool.

Mudo kordhintu dastuurka ma waafaqsana. Haseyeeshee, in siyaasiyiinta Somaliland – mucaarad iyo muxaafid – u arkaan mudo kordhinta wax sharci ah oo caadi ah, waxa ay tusaale u tahay sida aan dalkan loogu tudhayn ee ujeedada u wayni u tahay kursi iyo awood la isku haysto.

Shacabku ilaa uu taas fahmo oo uu ka dalbo siyaasiyiinta ay taageeraan inay raacaan heshiiska bulsho oo aanay jeebkooda kala soo bixin wax aan sharci ahayn, dhibta jirta laga bixi maayo, qofkii doonaa ha noqdo madaxwayne.

Waxa habboon in xal mudo dheer laga gaadho arimaha doorashooyinka oo mar aan muran siyaasadeed taagnayn loo fadhiisto si miyir qabta oo ujeedadu tahay in la helo xal raagga oo aan cid gaar ah u dan ahayn, balse dalka iyo dadka u dan ah.

Guleed Dafac .