Waxa uu xukunkii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed la wareegay Jenaral Maxamad Siyaad Barre 21-kii October, 1969-kii. Runtii waxay ku qabsadeen Gole sare oo la magac-baxay Golaha sare Kacaanka Shacabka Soomaaliyeed oo ka koobnaa Ex-Goballadii Woqooyi iyo Gobaladii Koonfureed ee midoobay 26 June 1960.
Shacabka Soomaaliyeed way u sacaba tumeen Kacaanka cusub maxaa yeelay waxa ragaadiyay Musuq-maasuq iyo Cadaalad-darro ay samaysay Dawladii rayidka aheyd ee ka danbaysay isku darkii labada gobal ee xoriyada ka qaatay labada guumaysi sannadihii 26/6/1960 iyo 1-dii July 1960 ee midoobay.
Markii ciidanku la wareegeen awoodi wadanka waxay ku dhawaaqeen Gole sare, waxay qaateen fikirkii shuuciyada oo ka soo horjeeday Diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, waxayse ku guulaysteen inay dhisaan Ciidan tayo leh, waxbarasho bilaash ah, waxay ku guulaysteen inay qoraan luuqadii Afka-Soomaaliga, waxay ku xukumeen dalkii gacan bir ah, isla markaana waxa yaraaday dilkii iyo dhacii, waxaanay ka dhex muuqdeen dawladihii Afrika.
Waxa uu ugu necbaa Soomaalida laba Reer oo uu u adeegsaday dawladdii Soomaaliyeed iyo ciidankii dowladda. Waxa uu dhulka ku masaxay shacabkii gobaladla Woqooyi, Somaliland, isagoo ka gaystay xasuuq ka baxsan bani’aadnimada, waxa uu burburiyay magaalooyiinkii isagoo ku garaacay diyaarado iyo hubka wax gumaada.
Waxa uu isticmaalay xooggii qaran ee ay ku dhiseen maalkoodii Cashuureed iyo xooggoodi wadaniyadeed. Qabiilo waawayn oo Soomaaliyeed sida Isaaq iyo Majeerteen waxa uu u arkayay inay aragti dheer leeyihiin, markii ay ka soo horjeesteena waxa uu dhulka a la simay gobaladoodii, isagoo adeegsanaya xoogii ciidan Ee umadda Soomaaliyeed. Waxa halkaa ka unkamay SSDF oo noqotay hooyadii jabhadaa SNM oo noqotay jabhadii xoraysay gobalada Woqooyi, USC iyo SPN oo noqday jabhadii xoreeyay gobalada koonfureed.
Waxaan ahaa ardaydii dugsiyada hoose ka bilawday 1972-kii, waxaanu wax barashada Ku bilawnay afka Soomaaliga oo markaa la hirgaliyay, ardaydii ugu horaysay ee Af-Soomaaliga wax ku baratana waanu noqonay.
Maanta waxaan ku noolahay xoriyadda Somaliland iyo la soo noqoshadii qaranimo.
Somaliland ha guulaysato, Soomaali oo dhami inta shanta ku sugan ha guulaystaan
Aqoonyahan Cumar Cabdi Keyd