Urur Gobolleedyo Caalamiya Iyo Dalalka Beesha Caalamka Ee JSL Ka Taageera Dhinaca Doorashooyinka Iyo Hanaanka Dimuqraadiyadda Oo Si Adag U Qaaddacay Muddo Kordhintii Golaha Guurtiddu Sameysay.

New York (SM)- Urur Gobolleedyo Caalamiya Iyo Dalalka Beesha Caalamka Ee JSL Ka Taageera Dhinaca
 Doorashooyinka Iyo Hanaanka Dimuqraadiyadda, Ayaa Si Adag U Qaaddacay Muddo Kordhintii Ay Golaha Guurtiddu Dhawaan Sameysay.
Warkan Ka Soo Baxay Beesha Caalamka, Ayaa Lagu Qaaddacay Muddo Kordhinta Golaha Guurtiddu U Sameeyeen Muuse Biixi Oo Laba Sanno Ah Iyo Iyagoo Shan Sano Korodhsaday Golaha Guurtiddu.
War-murtiyeedka Ay Soo Saareen Ururadda Caalamiga Ah Ee Kala Ah Midowga Afrika, Urur Gobolleedka IGAD, Qaramadda Middoobay, Midowga Reer Yurub Iyo Dalalka Ingiriiska (UK), Maraykanka, Faransiiska, Sweden, Norway, Jarmalka, Talyaaniga, Turkiga, Finland, Denmark Iyo Dhammaan-ba Daneeyeyaasha Hanaanka Dimuqraadiyadda Iyo Doorashooyinka Somaliland Ka Taageera Dhaqalaha Arrimaha Doorashooyinka iyo Kaabayaasha Dhaqalaha, Ayaa Xukuumadda Ugu Baaqay Inay Doorashadda Ku Qabato Muddaddii Farsamo Ee Koomishanka Doorashooyinku Soo Gudbiyeen Oo Ahayd Sagaal Bilood. Iyagoo Sheegay Inay Gabi Ahaanba Tahay Sharci Darro Muddo Kordhinta Xukuumadda Madaxweyne Biixi Iyo Golaha Guurtiddu Sameysay.
War-murtiyeedka Ay Soo Saareen Ururadda Caalamiga Ah Ee Kala Ah Midowga Afrika, Urur Gobolleedka IGAD, Qaramadda Middoobay, Midowga Reer Yurub Iyo Dalalka Beesha Caalamka Ee JSL Ka Taageera Dhinaca Doorashooyinka Iyo Hanaanka Dimuqraadiyadda Ay Soo Saareen Ayey Si Adag Uga Hadleen In Aanay Sinaba U Aqbalayn Doorashadda Madaxtooyadda Ee JSL Inay Dib Uga Dhacdo Wakhtiga Farsamo Ee Sagaalka Bilood Ah Ee Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland Sheegeen Inay Doorashadda Madaxtooyadda Ku Qabanayaan. Iyaddoo Hore Ugu Muddaysannayd 13-ka Bisha November Ee Isla Sannadkan 2022 Inay Dalka Ka Dhacdo.
Source Qumannews