Waxaan dawaday islaan hooyo ah Oo Hor taagan hospital-ka digfer, oo laskugu keenay dadkii meydka ahaa xalay Rabbi ha U naxariiste.

Waxaan dawaday islaan hooyo ah
Oo Hor taagan hospital-ka digfer, oo laskugu keenay dadkii meydka ahaa xalay Rabbi ha U naxariiste.

Qolkaas maydka waxaa loo ogalaa qofkii qof ka maqan yahay iyo masuuliyiintii kormerka ah, waliba qeybta meydka waxaa buux dhaafiyay dad aad iyo aad u tiro badan .

iridda ama alaabka waxaa laga celin kari wayay hooyadan waxay tidhi waxaa iga maqan dadkaygii oo dhan ee walalayaal iridda halmar ii fasaxa xitaa waxay sugi kari wayday inta dadkii ka horeyay kasoo baxayaan,

Hooyadaas waxay tidh waxaan lug iyo carar ku tagey 40 hospital in ka badan, waxaa iga maqan seddex qofood wiilkaygii curadka ii ahaa iyo inan aan dhalay iyo ninkii qabay inantayda.

hooyadii qolkii waa lagu fasaxay iridda hore inta aysan gelin ba waxay madaxiisa garatay, wiilkeedii curad sido kale waxaa dhinaca kale yaalay seedigiis halka xitaa gabadhii laga helay qol kale,

Hooyadii banaankay usoo baxday iyadoo Quus, Oohin iyo murugo xanuun leh ka muuqato oo ku celcelinaysa ilaahoow adiga isiiyay oo iga jaclaaday waan Quustay ee goorma la duugayaa ama la aasayaa aan soo noqdee,

Xalay ka hore Nolasheyda indhaheyga masaarin wlhi dad lagu leeyahay ka dhex baadho hadii qofkii qof ka maqan yahay, 😭😭😭