Dowladda Jabuuti Oo Taageero Weydiisatay Somaliland

Hargeysa (SM)- Taliyaha Ciidammada Booliska ee Jamhuuriyadda Jabuuti General Cabdiraxmaan Cali Kaahin, ayaa bogaadiyey Ciidammada Booliska Somaliland oo Maanta u dabbaal-degay 29 Guurada aasaaskooda.

Taliyaha Booliska Jabuuti oo ka mid ahaa Marti-sharafta lagu casuumay Xuska 29 Guurada Ciidammada Booliska Somaliland, ayaa sheegay inay wax lagu farxo tahay habka ay u dhisan yihiin Ciidammada Booliska Somaliland, sidaa darteed uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka codsanayo inay u faa’ideeyaan Ciidammada Booliska dalkiisa Jabuuti.