Guddiga Dhaqaalaha Golaha Wakiillada Oo La Kulmay Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland

Hargeysa (SM)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha ee Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa maanta hortay Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada.

Kulanka Wasiirka iyo Guddiga oo ku qabsoomay Xarunta Golaha Wakiillada, waxa uu Md Cali-Mareexaan Warbixin ku aaddan masuuliyadda iyo hawl-qabadka Wasaaraddiisu Qaranka u hayso siiyey Guddiga Dhaqaalaha.