Madaxweynaha Somaliland Oo Sharci-darro Ku Tilmaamay Go’aamadii Ka Soo Baxay Shirkii Burco

Hargeysa (SM)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sharci-darro iyo waxaan la aqbali karin ku sheegay go’aamo ka soo baxay Shir beesha Gar-xajis dhawaan ku qabsatay Magaalada Burco.

Beesha GAR-XAJIS oo dhawaan Shir ku qabsatay Magaalada Burco, ayaa gebogabadii Shirkaasi ka soo saaray go’aamo ay ka mid ahaayeen inaan deegaanadooda ka dhici doonin, haddii aan doorashada Madaxtooyadu ka soo horraynin ta Ururrada siyaasadda.