MUXUU U TAAGANYAHAY XISBIGA WADDANI, SOMALILAND NATIONAL PARTY” ?

MUXUU U TAAGANYAHAY XISBIGA WADDANI, SOMALILAND NATIONAL PARTY” ?

Waddani wuxuu u taaganyahay SUGIDA amniga Qaranka

Waxa uu u taaganyahay hagidda, hanka iyo hiigsiga muwaadiniinta Somaliland gaar ahaan dhallinyarada.

Waxa uu u taagan yahay hirgalinta, himilooyinka Bulshada Somaliland higsanayso

WADDANI waxa uu u taaganyahay ka rumaynta riyada Muwaadinka Somaliland ee ah inay ka helaan ictiraaf bulshada caalamka

Waxa uu u taagan yahay gaadhsiinta Somaliland horumar dhaqaale.

Waxa uu u taaganyahay ixtiraamka dastuurka iyo ku dhaqanka shuruucda( LAW & ORDER)

Waxa uu u taaganyahay taabo gelinta talo wadaag, wada noolansho, dulqaad iyo sinaanta muwaadiniinta .

MABAADIIDA Xisbiga WADDANI

Siyaasadda

Xisbiga Waddani waxa uu horseed ka yahay Siyaasad Xariir ah kana muuqdo bisayl hogaaminadeed

Xisbiga Waddani waxa uu ka soo horjeedaa, siyaasad guryo-noqosho ah

Xisbiga Waddani waxa uu u taaganyahay siyaasad ku salaysan wadajir, isku-duubni iyo danta guud oo loo midoobo si loo hormariyo wadankeena Somaliland

Siyaasadda xisbiga Waddani waxa u sal ah, wada-shaqayn dhexmarta dhammaan inta ku foogan siyaasadda Somaliland, oo laga gudbo siyaasadda ku dhisan muran iyo khilaaf.

Xisbiga Waddani wuxuu ka shaqaynayaa sidii Dhallinyarada Somaliland, dumarka iyo dadka laga tirada badan yahay talada wadanka uga qayb gali lahaayeen, waxaanu taageeraynaa in hoos loo dhigo dada ay ku gelayaan dhallinyaradu golayaasha qaranka

Siyaasadda Waddani wuxuu mudnaan siinayaa deris wanaaga dawladaha Jaarka iyo wada-shaqayn ay ugu mudan yihiin dhaqaalaha iyo amnigu.

Xisbiga WADDANI IYO BAAHIYAHA SOMALILAND

Xisbiga Waddani waxa uu aaminsanyahay in Somaliland baahiyaheeda ugu weyniyihiin:

Aqoonsi Caalamiya oo ay kaga mid noqoto bulshada caalamka si ay u hesho xuquuqdeeda ummadnimo una gudato waajibaadkeeda dawladnimo.

Midnimo dhexdeenna ah iyo gacmaha oo la is qabsado si aynu u noqonno qaran wadajira oo dan isku mid ah leh kana gudubno isu-fiirsiga hoose .

Si Somaliland u hesho Aqoonsi caalamiya, waxay u baahantahay aqoon iyo waayo-aragnimo diblumaasiyadeed, iyo xidhiidho caalamiya. Xisbiga Waddani iyo hogaankiisu waxa uu haystaa khibraddaas, aqoontaas, waayo-aragnimadaas iyo xidhiidhkaas.

Sidoo kale, si aynu u gaadhno midnimo dhexdeenna iyo isku-duubni, waxa loo baahan yahay hogaan leh sifooyinka midnimno, dhexdhexaadnimo isla markaana aan wadan xajiin siyaasadeed, taasna waxa u taagan xisbiga Waddani

Xisbiga Waddani waxa uu tixgalinayaa

Xoriyada ,karaamada iyo qofnimada Wadaniga reer Somaliland.

Madaxbanaanida Saxaafada xorta ah.

Dhamaan Xuquuqda Wadaniga reer Somaliland iyo Cidii la noolba.

Balanqaadka xisbiga WADDANI.

Wuxuu WADDANI ummadda reer Somaliland u balanqaadayaa hogaamin toosan.
Siyaasad Mudakara iyo Xuquuq siman.”
By Maxamed Carab Wacays.
Xoghayaha Qaaradda Yurub Ee Xisbiga Waddani