Xoghayaha Golaha Wakiillada Somaliland Oo Hargeysa Lagu Soo Dhaweeyay

Hargeysa (SM) – Waxa Magaalada Hargeysa lagu soo dhaweeyay Maanta Xoghayaha guud ee Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.

Xoghayaha Golaha Wakiillada oo Muddo dhowr Toddobaad ah safar ugu maqnaa dalka Ingiriiska, ayaa waxay Dadweyne iskugu jira Madax-dhaqameed, Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo dhallinyaro ku soo dhaweeyeen Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa.

Odayaal-dhaqameed halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in Cabdirisaaq uu yahay siyaasi mudan in la soo dhaweeyo, maaddaama oo uu door muhiim ah ugu jiro Qaranka Somaliland, marka la eego xilka uu hayo.

Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa u Mahad-naqay dadka soo dhaweeyay.