“Haddaad Doonaysaan Inaad Qaxdaan, waxba hanaga siinina wixii aad ka heshaan” – Suldaan Jimcaale

Hargeysa (OWN)- Suldaan Jimcaale Axmed oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa si adag uga hadlay xaaladda magaalada Laascaanood, waxaanu baaq u diray shacabka magaaladaas.

Suldaan Jimcaale waxa uu bulshada gobolka Sool ugu baaqay inaanay dhag u dhigin baaqyada dhagaraysan ee looga soo dirayo Soomaaliya iyo dibadaha, kuwaas oo uu ku tilmaamay inaanay waxba u haynin oo ay danahooda seejinayaan.

Dhinaca kale, waxa uu Suldaanku baaq u diray shacabka Gobolka Maroodijeex oo uu u soo jeediyey inay ka faa’idaystaan muddada ka hadhay diiwaangelinta codbixiyeyaasha isla markaana ay kaadhadhka qaataan si ay u gutaan waajibaadkooda muwaadinimo.