Ra’iisul wasaare Xamse oo kulan la qaatay dhigiisa Masar, iyadoo labada dowladood ay heshiisyo gaareen.
Labada ra’iisul wasaare ayaa ka wada hadlay kor u qaadista xiriirka iyo xoojinta iskaashiga dhaqan dhaqaale ee u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Masar, iyada oo Masar ballanqaadeyso inay Soomaaliya ku garab istaagto dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya.
Kulanka kadib ayaa labada dowladood ee Soomaaliya iyo Masar waxay si rasmi ah u kala saxiixdeen heshiisyo ku saabsan waxbarashada, warfaafinta, diinta, awqaafta iyo dhaqanka.
Heshiisyada waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah Abshir Cumar Huruse, wasiirka waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Daa’uud Aweys Jaamac.