Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Shir Qaran Madaxtooyada Kula Yeeshay Madaxda Kala Duwan Ee Qaranka Ugu Sarraysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Shir Qaran Madaxtooyada Kula Yeeshay Madaxda Kala Duwan Ee Qaranka Ugu Sarraysa.

Hargeysa-26-08-2023-(SM)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta shir ballaadhan oo lagaga tashanayo dhibtii iyo khasaarihii ka dhashay degaalladii shalay ka dhacay deegaannada ku hareeraysan magaalada Laascaanood isugu yeedhay madaxda iyo haldoorka qaranka ugu sarreeya.

Shirka uu madaxda qaranka ugu sarraysa madaxweynuhu la qaatay waxa ku wehelinayey guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), murrashaxa xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), xubno kamid ah golaha wasiirrada, xubno kamid ah hoggaanka xisbiga KULMIYE, waxana kulanka diiradda lagu saaray sidii shacabka reer Somaliland ugu midoobi lahaayeen wax kasta oo qarankooda kusoo kordha, wada-jirna qarankooda ugu difaaci lahaayeen.

Kulankaasi markii uu soo dhammaaday, waxa bulshada si wada jir ah ula hadlay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo murrashaxa xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxana ay bulshada ugu baaqeen wada-jir iyo inay garab istaagaan ciidamada qaranka ee cadowga soo weeraray.

Murraxa madaxweyne ee xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Cirro oo halkaas ka hadlay, ayaa muujiyey sida qaranka Somaliland ugu midaysan yahay difaaca qarannimada iyo garab istaagga ciidamada qaranka ee difaaca ku jira, waxana uu yidhi,“Shacabka reer Somaliland waxan u caddaynayaa inuu qaranka kala midaysan yahay dhammaan hawlaha qaranka iyo difaaca qaranka, maantana wax walba waxanu ka horraysiinaynaa midnimada shacabka iyo qarannimada.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo halkasa ka hadlay, ayaa ugu horrayn tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada iyo qaraabada ay ka baxeen ciidamadii ku geeriyooday dagaalkii shalay, isaga oo kuwa dhaawaca ahna eebbe uga baryey inuu u boogo dhayo.

Madaxweynuhu waxa uu farriin qalbi-taabasho ah u diray shacabka reer Somaliland, waxana uu caddeeyey inuu ciidanka qaranku sidiisii hore yahay awood ahaan iyo niyad ahaanna uu dhisan yahay, cadowgana uu kasoo Aarsan doono, bulshadana looga baahan yahay inay taageeraan,“Shacabka Somaliland waxa la gudboon inaynaan niyadjab iyo dareen aan tognayn aynaan siinin dagaal maalin dhacay oo aanay u qaadan inuu dhacay dagaal weyn oo laga baqaa ciidankuna sidiisii yahay, xooggiisii, fikirkiisii, geesinimadisii iyo dal jacaylkiisiiba waa sidiisii, haddana wuu habaysan yahay, dhibaatadaasna degdeg baynu uga soo waaqsan doonaa oo aynu uga Aar gudan doonaa cadowga huwanta ah ee dhibaatadaasi inaga soo gaadhay, waxana inala gudboon midnimo gudaheenna ah oo ah markay qaranka tahay inaynu meel uga soo wada jeedsanno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu farriin cad u diray beesha caalamka, waxana uu sheegay inaanay ciidamada qaranku waxba u noqonaynin arrintii shalay dhacday, siina wadi doonto kaalinteedii nabadeed ee ay caalamka ugu jirtay, waxana uu yidhi,“Caalamka waxanu u sheegaynaa inaan dhibtii yarayd ee shalay aanay Somaliland gilgilaynin oo qaranku sidiisii u shaqaynayo oo hay’ad kastaa hawsheedii socoto, dalkastana intan oo kale way ka dhacdaa, intii aannu nabadda mandaqadda ilaalinaynay haddii ay badda cas tahay iyo haddii ay dalalka deriska nabaddii aannu la wadaagaynay tahayba ay halkeedii tahay, qaranka Somaliland-na loo baqan maayo.”

Madaxweynuhu waxa uu bulshada uga digay war-xumo-tashiilka cadowga ah ee ku hawllan sidii Somaliland loo burburin lahaa, kana feejignaadaan wax kasta oo midnimadooda iyo wada-jirkooda dhaawacaya.

Shirkan qaran ee uu madaxweynuhu la yeeshay madaxda qaranka, ayaa kusoo dhammaaday is afgarad iyo in si buuxda loogu midoobo cadow kasta oo qaranka burburintiisa isu soo bahaystay.

Wa-bilaahi Tawfiiq