ISRAA’IIL (YUHUUDU) ISMAY WAYDIIN : MAXAYNU FALASTIINTA KA YEELNAA HADII AYNU DAWLAD KA SAMAYSANO FALASTIIN?

ISRAA’IIL (YUHUUDU) ISMAY WAYDIIN : MAXAYNU FALASTIINTA KA YEELNAA
HADII AYNU DAWLAD KA SAMAYSANO FALASTIIN?

Markii ay iisraa’iiliyiintu (Yuhuudu) samaysanayeen dawladnimada ee ay shirarka iyo aasaaska dawlad ay leeyihiin ay Falastiin ka sameystaan

ismay waydiin marka ay dalka qabsadaan wixii ay ka yeeli lahaayeen dadka FALASTIIN ah ee dalkaa degen .

Wax wada hadal ah kamay yeelan
Qorshahoodana kumay darsan.

Ismay waydiin dadkan dalka degen wixii ay ka yeeli lahaayeen .

Su’aashaasu way seegtay , xisaabtana kumay darsan.

20- kii sano ee qarnigii 19-aad ugu danbeeyay ayay ururka Sohyooniyada ay u ololeeyeen in ay dalkii ay degenaan jireen taariikho hore ay qabsadaan oo ay falastiin iyo Urdun iyo Siinaa ka mid tahay iyo meelo kale oo Bariga dhexe ka mid ah .

Ay ku noqdaan oo dal ay leeyihiin ka samaystaan.

Ururka Sohyooniyada waxa uu ahaa dhaqdhaqaaq hubaysan iyo qeyb siyaasadeed oo uu hogaaminaayo Theodor Hertlz 1881-kii oo u ololeeya in ay ka dhaadhiciyaan beesha caalamka iyo awoodihii jiray in lagu taageero in la siiyo oo wax lagala qabto ’ sidii dalkaa loo siin lahaa ee loogu wareejin lahaa ee wax loogala qaban lahaa ee ay dawlad uga sameysan lahaayeen.

Ururka dhaqdhaqaaqooduna waxa uu ka bilaabmay dalka Russia
1871-kii oo waxa uu ku hawlanaa
Sidii uu dadka Yuhuuda ah ugu soo dhoofin lahaa ee u keeni lahaa dalka falastiin ( si xad dhaaf ah ayay ugu soo qulqulayeen falastiin) .
Iyaga (dadka Yuhuuda) ah oo dalka Russia iyo Poland iyo dalal kale oo badan ka soo haajiraayay.

Dalkii falastiin ayay dhul badan ka iibsadeen oo degeen.

Waxa ku kelifay dadka Yuhuuda ah in ay doonaan in ay dal yeeshaan
Iyaga oo ku noolaan kari waayay dalalkii ay degenaayeen oo cunsuriyad iyo cadaadis iyo dulmi badan ay kala kulmeen iyo dilal iyo xasuuqyo loo geysto oo laga eexdo oo aanay umadihii ay la degenaayeen wada noolaan kari waayeen oo ay cadaadis badani kaga yimi dhinaca diintooda.

Yuhuuda
caalamka oo dhan waxa ka dhexeeya Diin qudha , AF qudha, dhaqan qudha iyo saqaafad qudha iyo taariikh qudha.

Waxay iswaydiiyeen xagay ku wada noolaan karaan dunida?

Waxay isla soo qaadeen dalka Arjantiin ama Siinaa ama Qubrus ama East Africa dal ka mid ah ( -ama Uganda).
Waxay markii danbe isla qaateen in ay falastiin qaataan oo kuligood lagu soo jiidan karo in ay yimaadaan ارض الميعاد dhulkii loogu balan qaaday
Waa sida Tawraadooda ( kitaabkooda) ku qoran .
Sidaas ayay isula qaateen in ay falastiin dawlad ka sameystaan shirkii ay ku go’aansadeen in ay falastiindawladka sameystaan (1897)
konton sano gudahood in ay dawlad ku sameystaan.
Wefti ayay u direen soo indha indheysa falastiin
Weftigii waxay la soo noqdeen :
Waa aroosad aad u qurux badan,
Laakiin nin kale ayaa aaba
(ujeedadu waa dalka falastiin )
Nin qabaa waa kuma? Waa shacabka iyo dawlada falastiin.
Heshiiskii ama balankii ama shirkii Bilford ee lagu qeysanaayay dunida 1916 .
Dadka falastiintu way soo dhaweeyeen dadkii Yuhuuda ahaa ee u soo qaxay.
Kadib urur jabhad ah ayay sameysteen oo doonaaya in ay dawlad iyo maamul gaar ah sameystaan .
1948-kii ayay dawlad ka sameysteen falastiin oo ay dagaal iyo xasuuq ku sameeyeen dadkii falastiin-ta ahaa
Oo ay dalkoodii iyo guryahoodii ka qaxiyeen .
Ilaa maantana waynu wada ognahay dulmiga iyo xasuuqa iyo cadaalad darada iyo xadhigaiyo cunsuriyada ka jirta halkaas .
Oo ah waxyaabo aan la soo koobi karayn.
Beesha caalamkuna way ku daawanaysaa dulmigaa dhacaaya maalin kasta.
Hadaba su’aasha aanay si’fiican isu waydiin dadka yuhuuda ahi iyo dawlada israa’iil waxa weeye :
Maxay ka yeeli doonaan dadka falastiin-ta ah?
Qorshe ugu may talo gelin ilaa maalinkaa maanta ah .
Dawladnimona iyo madax banaanina iyo xoriyadna uma ogola.
Sida-na kuma sii haysan karaan dadka iyo dalka falastiin.
Dadka falastiin-ta ahi way dulman yihiin
Israa’iil-na sidan kuma sii jiri karto.
Maxaa hadaba xal ah?

Cali maxamed Biixi
Calibiixi