Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qayb-galay Aas Qaran oo loo sameeyey Marxuum General Jidhif

Hargeysa (SM)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay Aas qaran oo duleedka waqooyi ee caasimadda Hargeysa loogu sameeyey marxuum General Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) oo mansabyo kala duwan kasoo qabtay ciidamada kala duwan ee dalka.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xildhibaanno ka tirsan goleyaasha qaranka, wasiirro, madaxda xisbiga KULMIYE, madax-dhaqameed iyo boqollaal shacab ahi, ayaa ka qaybgalay Aaska marxuumka oo habeenkii xalay ku geeriyooday caasimadda Hargeysa.
Masuuliyiintii iyo madax-dhaqameedkii ka qaybgalay Aaska, ayaa marxuumka Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo, ehellada, qoyska iyo qarankana beddel khayr qaba siiyo.

Ugu horrayn, taliyeyaasha ciidamada qaranka iyo Asluubta sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo sarreeye guuto Axmed Cawaale Yuusuf (libaax) oo halkaas ka hadlay, ayaa tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumku, waxana ay ku dheeraadeen kaalintii mugga lahayd ee uu kasoo qaatay halgankii iyo dhismihii ciidanka qaranka.

Wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, Xannaanada xoolaha, Qoyska, shaqo-gelinta iyo arriomaha Bulshada oo goobta Aaska ka hadlay, ayaa sharraxay qiimihii uu bulshada ku lahaa marxuumku, dedaalkiisii qaran-dhska iyo sidii uu waqtiga badan u geliyey inuu qarankani noqdo mid taabba gal ah oo yeesha ciidan cududdiisa laga cabsado.
Madax-dhaqameed iyo siyaasiyiin aqoon gaar ah u lahaa marxuumka, ayaa ku sifeeyey halyey taariikhda baal dahab ah ka galay, qarankiisana si daacad ah ugu soo adeegay, iyaga oo ehelka iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo Iimaan u rajeeyey.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo goobta Aaska ka hadlay, ayaa ugu horrayn tacsiyeeyey ehellada qaraabada iyo guud ahaanba qaranka Somaliland oo uu kamid ahaa dadkii usoo halgamay sidii uu qarankani dulmigii loo geystay uga xoroobi lahaa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey halgamaa dad la dhaqan lahaa, bulshaawinimo iyo saaxiibtinimadana aad u ilaalin jirey,“Dalkiisana wuu usoo halgamay, dadkii uu la da’ada ahaa ee aan kamidka Ahaana nin bulshaawi ah oo si wacan ula dhaqmay oo laga wada raalli yahay buu ahaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.